Suuriya: Waxaan soo afjarnay howl-galladii ka dhanka ahaa haraadiga Assad
Wasaaradda difaaca ee Suuriya ayaa Isniinta maanta ah ku dhawaaqday in la soo afjaray howlgal milatari oo ka dhan ah taageerayaasha madaxweynihii xilka laga tuuray, Bashar al-Assad.
Dagaallo u dhexeeyay kooxaha daacad u ah Assad iyo xukuumadda cusub ee Islaamiga ah ayaa ka qarxay gobolka xeebta, oo ah xudunta taageerada madaxweynihii la tuuray.
Sida ay sheegtay hay’ad kormeerta dagaalka, rabshadahani waxay sababeen dhimashada in ka badan 1,000 qof, ay badankood ahaa shacab.
Afhayeenka wasaaradda difaaca, Xasan Cabdul Ghani, ayaa barta X ku sheegay in hay’adaha dowladda ay hadda dib u billaabi karaan shaqadoodii ayna bixin karaan adeegyada lagama maarmaanka ah.