SUUDAN : Dab Xoogan Oo Qabsaday Madbacad Lagu Farsameeyo Lacag Badan

0
289

Dab Xoogan Oo Qabsaday Madbacad Lagu Farsameeyo Lacag Badan

Arroortii hore ee saakayto ayaa waxaa uu dab qabsaday Dabaqa 3-aad ee Madbacadda Shirkadda Lacagaha farsamayso ee Suudan oo ku taalla caasimadda dalkaasi ee Khartoum.

Agaasimaha Warbaahinta iyo Xiriirka Guud ee Shirkadda Madbacadaha Lacagaha ee dalkaasi, Ismaaciil Alsaar ayaa waxaa uu sheegay inuu dabka ka kacay Dabaqa 3-aad oo ay ku yaalla Xafiisyada Maamulka iyo Kaydka Lacagaha ee Madbacadda, Laguna guuleystay in la damiyo dabka.


HomeCaalamka
Dab Xoogan Oo Qabsaday Madbacad Lagu Farsameeyo Lacag Badan
By Webmaster On May 31, 2021

Share
Arroortii hore ee saakayto ayaa waxaa uu dab qabsaday Dabaqa 3-aad ee Madbacadda Shirkadda Lacagaha farsamayso ee Suudan oo ku taalla caasimadda dalkaasi ee Khartoum.

Agaasimaha Warbaahinta iyo Xiriirka Guud ee Shirkadda Madbacadaha Lacagaha ee dalkaasi, Ismaaciil Alsaar ayaa waxaa uu sheegay inuu dabka ka kacay Dabaqa 3-aad oo ay ku yaalla Xafiisyada Maamulka iyo Kaydka Lacagaha ee Madbacadda, Laguna guuleystay in la damiyo dabka.

AKHRISO
Shacabka Somaliland oo saaka u dareeray goobaha Codbixinta Doorashada

May 31, 2021
Dhageyso:- Barnamijka Wareegga Wararka 24-Ka Saac Ee Radio Dalsan

May 30, 2021
Dhageyso:-Warka Habeen Ee Radio Dalsan 30/05/2021

May 30, 2021
Waxaa uu intaasi ku daray inuu dabka kacay abaarihii 4-tii habeenimo (Ka hor Xilliga Salaada Subax), iyadoo ay Kooxaha Dab-damiska ku guuleysteen inay dabka Damian Abaarihii 8-dii aroornimo ee saakayto.

Baaritaan ayaa socda oo lagu ogaanayo waxa sababay dabkaasi oo geystay khasaaro Qalab, iyadoo ay Wararka sheegayaan inuu dabka ka dhashay colaad dhanka Korantada.

Waxaa la sheegay inaysan waxba soo gaarin Bakhaarada lagu kaydiyo Lacagaha la daabacay. Kaydka Bakhaarada Shirkadda leh Madbacadaha Lacagaha lagu daabaco, waxaa Lacagaha lagu kaydinayo ka mid ah Balaayiin Shillinka Soomaaliya oo horey Dowladda Federalka loogu daabacay sanadkii 2018-dii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here