Soomaaliya oo sheegtay in Ilhaan Cumar ay difaacayso haddii isirkeeda lagu beegsado
Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay hadal dhawaan ka soo yeeray madaxweynaha Mareykan Donal trump kaas uu ku dhaleeceeyay Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka mid ah Siyaasiyiinta ka soo hor jeeda qaab siyaasadeedka madaxweynaha dalkaas.
Soomaaliya ayaa sheegtay in ay difaacayso Ilhaan Cumar oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, iyada oo dowladdu sheegtay, “Gabadheena haddii isirkeeda lagu beegsanayo garabkeeda ayaan taagannahay, magaceeda iyo magaca halka ay ka soo jeeddo asal ahaan meel weyn ayay gaarsiisay.”
Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee Soomaaliya hadda ah Wasiirka Difaaca Axmed Macallin Fiqi oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa yiri, “Wixii siyaasadda dalka ay xildhibaanka ka tahay ah waa arrin aan inoo oolin.”