Soomaaliya oo sheegtay in ay soo iibsatay laba dayaaradood oo Airbus ah oo dhawaan hawlgali doona

0
25

Soomaaliya oo sheegtay in ay soo iibsatay laba dayaaradood oo Airbus ah oo dhawaan hawlgali doona

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Faarax Nuux ayaa faahfaahiyey xogta heshiiskaan iyo diyaaradaha la soo iibiyey.

“Waxaan maanta heshiis kala iibsi ah la billownay shirkad la yiraahdo Lema Air Group. Waxaanu ka iibinay Laba dayaaradood oo ah Airbus A320, waxayna hawlgali doonaan muddo laba bilood gudahood ah” ayuu yiri wasiirku.

Dowladda ayaa sheegtay in arrintaan ay tahay guul u soo hoyatay bulshada Soomaaliya iyadoo diyaaradahaan ay Soomaaliya ku xiri doonaan caalamka kale.

“Waxay wax badan ka qaban doontaa dhaqaalaha”, ayuu intaa ku daray