Soohdinta Mareykanka & Canada oo dib loo furay.

0
408

Soohdinta Mareykanka & Canada oo dib loo furay.

Waxaa dib loo furay xadka u dhaxeeya Dalalka Mareykanka & Canada oo u xirmay dibadbax ka dhan ah Xayiraadda Covid-19 oo ay dhigeen Wadayaasha Gaadiidka iyo Dad diidan in ay qaataan tallaalka looga hortagayo fayruskaan.

Omar Alghabra oo ah Wasiirka Gaadiidka Canada ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka waxa uu u mahadceliyay Madaxda labada Dowladood oo iska kaashaday soo afjaridda kacdoonka xannibay marinnada Gaadiidka.

 

Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa 8dii Febaraayo 2022 dalbaday in la joojiyo dibadbaxyada ka socda dalkiisa oo ka dhashay diidmada tallaalka Covid-19 iyo go’aamada adag ee ka dhashay xayiraadda.

Dibadbaxa oo markii hore ay billaabeen wadayaasha Gaadiidka oo diidan in ay qasab ku qaataan tallaalka kahortagga Covid-19 waxaa ku biiray shakhsiyaad kale, waxaana xirmay Goobaha Ganacsiga.

Dhaqaale xumo ka dhalatay xayiraadda Covid-19 & Dibadbaxyada sababta u noqday in uu istaago isu socodka Ganacsiga ayaa culeys ku noqday Xukuumadda Canada, halka Xisbiga Talada Haya uu Siyaasiyiinta mucaaradka ku eedeeyay in uu abaabul xooggan gelinayo sii socoshada dibadbaxyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here