Somaliland Oo Markale Bilowday Howlgal Lagula Dagaalamayo Ayaxa

0
265

Somaliland Oo Markale Bilowday Howlgal Lagula Dagaalamayo Ayaxa

Somaliland ayaa deegaanada Maamulkeeda ka bilowday howlgal lagu buufinayo Ayaxa oo dhibaato ba’an ku haaya dadka xoola dhaqatada ah, sida uu shaaciyay Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed.

Wasiir Axmed Muumin oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in howlgalka lagu buufinayo Ayaxa laga bilaabay degaanada xeebaha ah ee Gobolka Awdal ee Somaliland, ayna u adeegsanayaan hal diyaarad iyo gaadiidka u diyaarsan buufinta Ayaxaas.

Wasiirka ayaa sheegay in Ayaxaan uu yahay mid awood badan oo dhibaato ku haaya deegaanada Somaliland, isla markaana uu ku habsaday dhulka xeebta ah, balse ay sameeyn doonaan wax kasta oo ay kula dagaalamayaan.

Sidoo kale Wasiir Axmed Muumin ayaa tilmaamay in Ayaxa uu deegaanadooda kasoo galay dhinaca dalka Itoobiya, uuna faraba’an ku haayo deegaanada xeebta ee Gobolka Awdal, ayna wadaan howlgalka lagu buufinayo Ayaxa.

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, ayaa waxaa uu guud ahaan beeraleyda Somaliland ugu baaqay in degaanada ay Ayaxaas ku soo wargeliyaan Wasaaradda beeraha, si ay uga howl-gasho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here