Somaliland Oo Ka Digtay Barnaamijkii Uu Daah-Furay Madaxweyne Farmaajo

0
419

Somaliland Oo Ka Digtay Barnaamijkii Uu Daah-Furay Madaxweyne Farmaajo

Somaliland ayaa War kasoo saaray Barnaamijka Baxnnaano ee uu dhawaan daah-furay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaasi oo lagu taakuleyn doono qoysaska daryarta ah ee dalka.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland aya a waxaa Beesha Caalamka ee Soomaaliya iyo Bankiga Aduunka loogu wargeliyay in Barnaamijka Baxnnaano ee uu daah-duray Farmaajo uu yahay mid lagu faragelinayo amniga Somaliland.

Sidoo kale Qoraalka Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in Barnaamijka Baxnnaano dowladda Soomaaliya ay ku dooneyso inay ka fuliso deegaano ka tirsan maamulkooda, isla markaana arrimahaas ay u argto faragelin.

Somaliland ayaa Bankiga aduunka ka codsatay inuu ka fiirsado deeqaha uu siinayo dowladda Federaalka, waxaana dowladda ay ku eedeysay in deeqaha iyo caawimooyinka la siiyo ay u adeegsato dano gaar ah iyo kuwo siyaasadeed.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda A/Dibadda Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here