Somaliland Oo Gacanta Ku Dhigtay Nin Ajaanib Ah oo Garoonka Hargeisa Ka dhoofinayey….
Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Garoonka diyaaradaha Magaalada Hargeysa ee Cigaal ayaa gelinkii dambe ee shalay gacanta ku dhigay Nin Ajaanib, kaasi oo doonayay inuu ka dhoofo Garoonka.
Ninkaas ay qabteen Ciidamada amniga Garoonka Hargeysa ayaa waxaa la sheegay inuu watay 300 xabo oo ah cayayaan, kuwaasi oo si sharci darro ah ugala baxayay Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.
Taliyaha laanta dambe baarista Ciidanka Booliska Somaliland Faysal Xiis Cilmi oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Ninka Ajaanibka ahaa laga qabtay Garoonka xili uu doonayay inuu dhoofo, hayeeshee la arkay isaga oo watay cayayaano badan oo uu soo uruuriyay.
Dhinaca kale Agaasimaha Waaxda duurjoogta ee Maamulka Somaliland Cabdinaasir Xuseen ayaa isna sheegay in Ninkaas uu si sharci darro ah u soo uruuriyay 300 xabo oo ah cayayaan, isla markaana la xiray, sidoo kalena sharciga la hor geeyn doono.
Mana ah markii u horeysay oo ay Somaliland gacanta ku dhigto Nin Ajaanib ah, iyadoona sanadkii tegay ee 2019 Garoonka diyaaradaha Hargeysa lagu qabtay 9 Nin ah oo u dhashay Imaaraadka, kuwaasi ugaarsi ka sameeyay deegaano ka tirsan maamulkaas.