Somalia oo war cusub ka soo saartay wejiga saddexaad ee shirka DHUUSAMAREEB

0
429

Somalia oo war cusub ka soo saartay wejiga saddexaad ee shirka DHUUSAMAREEB

Iyadoo ay jirtay walaac laga qabo in uu baaqdo shirka Dhuusamareeb ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ay shaacisay in shirkaasi uu dheci doono 15-bishan aynu ku jirno.

Saalax Axmed Jaamac Siihayaha Wasiirka Dastuurka Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in shirkaasi uu dhici doono, haddana ay wadaan qaban-qaabadii ugu danbeysay ee ku aaddan sidii shirkaasi uu u dhici lahaa.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in maamulada Jubaland iyo Puntland ay wali ka biya diidsan yihiin shirka, balse waxaa uu sheegay in ay ku rajo weyn yihiin in ay kasoo qayb galaan shirka loogu ballansan yahay in 15-ka bishan uu ka dhaco magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Waxaa uu sheegay siihayaha wasiirka dastuurka in ay wadaan shirar gooni gooni ah oo ay ka wadaan magaalada Muqdisho, si loogu qanciyo dhinacyada diidan shirka.

Maamulada Koonfur galbeed iyo Galmudug ayuu sheegay in ay wadaan dadaallo ay doonayaan shirku uu qabsoomo, waxaana uu kaga mahad celiyay dadaalkooda.

Shirka loogu ballansan yahay Dhuusamareeb ayaa waxaa horay gogoshiisa u dhigay Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye qoorqoor, waxaana shirka la sheegay in aysan ka qayb galin doonin maamulada Puntland iyo Jubland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here