Somalia, Kenya, Tanzania, South Sudan & Sudan oo wajahaya Todobaad kulul
Waaxda Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan saadaasha Cimillada ayaa warbixin ay soosaartay waxa ay ku sheegtay in 20ka Nofeembar oo maanta ah ilaa 27ka isla bishaan in qaar kamid ah Dalalka xubnaha ka ah Ururkaan ay wajihi karaan xaalado kuleel ah.
Heer kulka ayaa gaari doonna ilaa 32 Digree, Dalalkaas waxaa kamid ah Soomaaliya, Kenya, Tanzaniya, Koofurta Suudaan, Jamhuuriyadda Suudaan & deegaanno kale sida lagu sheegay warbixinta iyo macluumaadka lasoo saaray.
Todobaad weliba Waxa ay ICPAC soo gudbisaa saadaasha ay sameeyaan khubarrada u diiwaangashan Urur Goboleedka IGAD si loosoo gudbiyo digniinta isbaddelka Cimillada la xiriirta ee xiligaas ka taagan Dalalka ku bahoobay magaca Ururkaas.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay digniin uga soosaartay xaaladaha ka dhalan kara isbaddelka Cimillada sida Abaaraha, Daadadka Roobka, Fatahaadaha Webiyada Dalka Mara iyo halis weliba oo dhibaato sababi karta.