SOMAALIYA : Oo Shaacisay In Dalka Kusoo Celineyso Soomaali Ku Xayiran Dalal

0
397

SOMAALIYA : Oo Shaacisay In Dalka Kusoo Celineyso Soomaali Ku Xayiran Dalal

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo sheegtay in dowladdu ay ku howlantahay inay dalka kusoo celiso Mawaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayiran Sucuudiga iyo dalal kale.

Sidoo kale Doowladda Fadaraalka ayaa xaqiijisay in la soconeyso xaaladda Mawaadiniin ku xayirnaa dalka Turkiga oo habeen hore dalka ay keentay Diyaaradda Turkish Airline, waxaana dadkaas ku jira Guddoomiyeyaasha Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka.

Dowladda ayaa qaaday tillaaboyin lagu xakameynayo cudurkaan COVID-19 ee dunida dhibaatada badan ku haya, waxay mawaadiniinta Soomaaliyeed ugu baaqeysa inay wadajir u qaataan talooyinka caafimaad ee qaybta ka ah dadaallada lagu xakameynayo cudurka COVID-19.

Dalal badan oo dhowr ah oo ku yaalla Caalamka kuna sugan yihiin Boqlaal Soomaali ah ayaa waxaa ka dilaacay Cudurka saf-marka ah ee Coronavirus, waxaana dalalkaas qaarkood ay Dad Soomaali ah ugu geeriyoodeen Cudurkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here