Siyaasiyiinta Mucaaradka Somaliland ayaa sheegay inaan la qaban karin xiligan wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya

0
132

Siyaasiyiinta Mucaaradka Somaliland ayaa sheegay inaan la qaban karin xiligan wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya

Siyaasiyiinta Mucaaradka Somaliland ayaa sheegay inaan la qaban karin xiligan wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya sababo jira awgood

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in wada-hadallada labada dhinac aysan dhici karin xiligan sababo laba arrin oo kala ah; dagaalka ay ku jirto dowladda federaalka iyo doorashooyinka Somaliland ku soo wajahan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan magacaabay ergeyga arrimaha Somaliland, kaasi oo u magacaabay Cabdikariin Xuseen Guuleed, oo ay soo dhaweysay xukuumadda Somaliland, kuna tilmaamtay nin wax badan kala socday wada-hadalladii iyo is-fahamkii ay hore u gaareen labada dhinac ah.

“Ma jiro Wada-hadal Somaliland iyo Soomaaliya waqtigan u furmi kara maxaa yeelay anagu doorashaan galeyna, idinkuna howl-galo argagaxisada lagi sifeynaya ayaad ku jirtaan” ayuu yiri guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa sidoo kale sheegay in Somalia iyo Somaliland ay ka wada hadli karaan hal qodob oo kaliya.

“Somaliland iyo Soomaaliya marka ay is hor fariistaan waxay ka wada-hadli doonaan hal qodob oo ah, sida aan wax u wada-qabsan laheyn. Soomaaliya ha qirto anagu dhibaato tirsan mayno ee waa kala baxnay Soomaaliya.” ayuu intaas ku daray.

Hadalka mucaaradka Somaliland ayaa ku soo aadaya xili Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dhawaan magacaabay ergeyga arrimaha Somaliland Cabdikariin Xuseen Guuleed, Somaliland ayaana soo dhoweysay talaabadan iyadoo sheegtay in C/kariin uu wax badan kala socday wada-hadalladii labada dhinac horey u dhexmaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here