Sirtii Mareykanka ee Bannaanka usoo baxday oo markaan ka careysiisay Madaxweynaha Kenya William Ruto.

0
165

Sirtii Mareykanka ee Bannaanka usoo baxday oo markaan ka careysiisay Madaxweynaha Kenya William Ruto.

Waxaa sii kordhaya dhinacyada ka carooday warqadaha sirta ah ee looga shakisan yahay in uu faafisay sarkaal katirsan Ciidamada Cirka Mareykanka oo lagu magacaabo Jack Teixeira kuna jira gacanta ciidamada gaarka ah ee dalkaas.

Warqadaha oo soo galay baraha Bulshada waxaa ka carooday waddamo badan oo xulufo la ah Mareykanka kaddib markii bannaanka usoo baxeen siro badan oo ka dhaxeeyay Madaxda Dalalkaas iyo kuwa Mareykanka.

Markaan waxa ay fallaarta dulsaaran tahay Madaxweynaha Kenya William Ruto, dhacdadaan waxa ay dhinac ahaan ka saameysay dhanka ku xigeegnka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay sida uu sheegay sarkaal sare oo katirsan Xukuumadda Nairobi.

Kenya ayaa ‘ka xumaatay’ hadallada ku saabsan Madaxweyne William Ruto oo la shegay in ay kasoo baxeen ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay kuwaas oo ku soo baxay dukumiintigii sirta ahaa ee Mareykanka ee usoo dusay Baraha Bulshada.

BBC-da oo soo xiganaysa dukumeentiga la faafiyay ayaa sheegtay in Aamina Maxamed ay u sheegtay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres bishii February in Ruto uu yahay ‘mid aan naxariis lahayn’ oo aanay ku kalsoonayn.

Sarkaal sare oo katirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya oo lagu magacaabo Korir Sing’oeil oo wax laga weydiiyay hadalkaas Aamina Maxamed ee bannaanka usoo baxay ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay.

Hadal u muuqda in uu markeeda uu ku dhaawacayo Aamina Maxamed ayuu ku sheegay in Kenya ay aad u neceb tahay in ay si qarsoodi ah wax ugu duubto Madaxda Qaramada Midoobay waa sida uu yiri sarkaalkaan katirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya.

Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa sheegay in “si khaldan looga been sheegay” hadalka Aamina Maxamed, “lagana saaray nuxurka macnaha guud” loona dhigay si ka duwan qaabkii uu ahaa.

Safiirka Kenya u fadhiya Qaramada Midoobay, Martin Kimani, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in uu la hadlay Guterres iyo Aamina Maxamed “si ay u caddeeyaan waxa ay walaac ka qabaan” iyo in ay u muujiyaan diidmada Kenya ee la socodka dhaqdhaqqyada xog-hayaha guud.

Mareykanka waxaa bar-madow ku noqotay xogaha sirta ah ee uu faafiyay sarkaalka looga shakisan yahay in uu ka dambeeyay ee la xiray, waxaana ka carooday waddamo ay kamid tahay Ukraine halka Kenya ay kusoo biirtay dhinacyadaas Washington bishimaha u qaniinaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here