Sirdoonka Somaliland oo shaaciyay in ay qabteen xubno katirsan NISA oo …

0
89

Sirdoonka Somaliland oo shaaciyay in ay qabteen xubno katirsan NISA oo …

sirdoonka Somaliland ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen labo xubnood oo katirsan ciidanka nabad sugidda Soomaaliya ee NISA, kuwaa ay ku eedeeyeen in falal amniga lidi ku ah ka fulin rabeen magaalada Boorame ee gobolka Awdal.

Qoraal kasoo baxay sirdoonka Somaliland ayaa lagu sheegay in xubnahan katirsan nabad sugidda Soomaaliya ay qabteen ay qorsheenayeen in ay dilal ka geestaan Boorame, sidoo kale qorshahoodu ahaa in ay qas ka abuuraan magaakadaasi.

Sirdoonka Somaliland ayaana sheegay in baadigoob ugu jiraan lix xubnood kale oo katirsan sirdoonka Soomaaliya oo qeyb ka ah xubnahan la qabtay, kuwaa ay sheegeen in ay maleegayeen dhagaro ka dhan ah dadka Boorame.

“Hay’adda sirdoonka Somaliland ee NIA, waxa ay gacanta ku dhigtay koox ka tirsan NISA oo hawlgallo looga soo diray Muqdisho ku saabsan inay qas ka abuuraan Somaliland iyo dilal qorshaysan gaar ahaan Boorame.
Laba ka mid ah xubnahaas waa la xidhay, halka lix kalena lagu dabo jiro.” ayaa kagu yiri warka kasoo baxay sirdoonka Somaliland.

Ma jiro war madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada sirdoonka Somaliland ee ah in ay qabteen xubno katirsan sirdoonka Soomaaliya oo qas iyo dilal qorsheenayay in ay ka fuliyaan magaalada Boorame, dowladda Soomaaliya ayaana jawaab ka bixin eedeyntan ka timid Somaliland.