Sidee la isku waafajinayaa in la qabto doorasho qof iyo cod ah lana tixgeliyo 4.5?
Xildhibaannada golaha Shacabka ee Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah ku meelmariyay sharciga doorashada ee dalka. Sharcigan ayaa waxa uu qorayaa in doorasho qof iyo cod ah lagu qabto deegaan doorasho-kasta, walow aanay caddayn tirada la ogolyahay inay codeeyaan.
Madaxweynaha ayuu sharcigu qorayaa inay dooran doonaan xubnaha Golaha Shacabka iyo kuwa Aqalka Sare, halka Ra’iisul Wasaaraha uu soo magacaabi doono xisbigii ku guulaysta aqlabiyadda baarlamaanka.
Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, gudoomiyaha Xisbiga Garsoor oo ka mid ahaa xildhibaanaddii ansixiyay sharciga doorashada ee dalka, ayaa sheegay in marlkii hore shanta dowlad goboleed iyo dowladda dhexe ku heshiiyeen shantii bishii June ee 2018-kii, doorashada nooca isku dheeli tiran ee liiska kaasi oo ay xisbiyada kaliya ogyihiin balse shalay lama ansixin noocaasi.
Balse Su’aasha taagan ayaa ah sidee ayay doorasho qof iyo cod ah ku dhaceysaa iyadoo la tix galinayo nidaamka 4.5?
”Arrintaasi waxaa looga fadhiyo iney xisbiyada ilaaliyaan, marka horeba waxaa sanduuqyada la geeynayaa deegaanada kala duwan ee dalka oo dadkaasi ayaa dooranaya qofkii iyaga baarlamaanka ku matali lahaa, marka qof kale ma iman karo oo aan deegaankaasi u dhalan sidaas ayaan lagu ilaalinayaa nidaamka 4.5”. ayuu yiri Xidhibaan Zakariye
Sharcigan oo shalay la marsiiyay akhrinta 3aad ayay Xildhibaannada si weyn uga doodeen qodobka 53aad ee sharciga oo dhigaya haddii duruufi amni, xaalado aafooyin dhacaan iyo arrimo farsamo doorashada dib ugu dhacdo in lix bilood muddo kororsi ay dhici doonto.
Qodobkan ayaa ahaa mid si weyn Xildhibaannada uga soo horjeedeen, waxaana ay soo jeediyeen in laga saaro qodobkan gebi ahaantiisa.
Codbixin golaha ay geliyeen waxaa ogolaaday 171 xildhibaan, waxaa diiday 5 xildhibaan, 2 xildhibaan ayaa ka aamustay, tirada guud waxaa ay ahaayeen 178.
Tani ayaa waxay ka dhigan tahay in Xildhibaannada ay si buuxda u meel mariyeen sharcigii ay dib u eegista ku sameeyeen Guddigii Baarlamaanka u saaray waxaana nidaamkan sharcigan uu yahay nidaamka aqbaliyadda badan.
Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa lagu wadaa in loo gudbiyo sharcigan loo gudbiyo, si loo ansixiyo.
Inkastoo ay xildhibinada golaha shacabka ay ansixiyeen sharciga doorashada ee dalka guddiga suurtagal ma tahay in doorahso qof iyo cod ah ay ka dhacdo Soomaaliya?
Xasan Sheikh Cali oo wax ka dhiga mid ka mid jaamacadaha Muqdisho, kana mid ah dadka darsa siyasadda Soomaaliya ayaa aaminsan in doorasho qof iyo cod ah ay ka horeeyaan in marka hore waxyaaba badan la qabto.
“Hadii xaalka Soomaaliya sii ahaado sida u hadda uu yahay ilaa iyo Bisha Juun 2020, markaas suurta-gal ma ahan in ay Soomaaliya ka dhacdo doorasho qof iyo cod, sababta oo ah gebi-ahaanba waxaan jirin qof talada Soomaaliya gacanta ku haaya oo doorasho qabta, sidaas oo kale ma jiro degaan nabad ah oo aay suurta-gal- tahay in dadka Soomaaliyeed si nabad ah codkooda ugu dhiibtaan,”ayuu yiri Xassan Cali oo xirirka caalamiga ka dhiga jaamacadda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.
Waxaa kale oo uu sheegay in loo baahan- yahay in la yara qurxiyo qaabkii ama habkii doorasho ee dadbanaa ee la isticmaalay doorashadii kol hore ee 2016/2017.
“Saamileeyda siyaasadda Soomaaliya oo aan heshiis ku ahayn qaabka doorashada (Dowlada Dhexe, Maamul Goboleedyada, Xisbiyada siyaasadda, dadka Soomaaliyeed ee daneeya siyaasada iyo beesha caalamku), way adag tahay, waaa in aay ku midoobaan hal-aragti, hadii la waayo, aragti-midaysan suurta-gal ma ahan in aay Dalkaan doorasho ka dhacdo”, ayuu raaciyay.
Inkastoo guddiga doorashooyinka madaxabanaan ee Soomaaliya uu sheegay in uu u diyaar garoobay sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho qof iyo cod ah, dadka qaarna ay su’aal gelinayaan arrintaas iyo xalaalnimada ayaa hadana waxaana la ogeyn sida arrintaas ay isugu waafaqi doonaan dhinacyada siyaasadda oo ku kala boodsan arrima badan oo ay ka mid tahay qaabka Dowladda ay ula dhaqanto maamul goboleedyada iyo siyaasadda haatan ay Dowladda ku maamusho dalka.
Isha: BBC