Shirkii Ay Ku Baaqeen Puntland Iyo Jubbaland Oo Baaqday Iyo Sababta
Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa Maanta sabti ah waxaa lagu waday inuu ka dhaco Shirkii ay ku baaqeen Madaxda maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, hayeeshee waxaa uu baaqday.
Sababaha ugu waaweyn ee Shirkii loo baaqay Madaxda dowladda iyo maamul Goboleedyada u baaqday ayaa ah in weli dowladda Federaalka aysan kasoo Jawaabin baaqa Shirkaas oo ah mid deg deg ah iyo in Madaxda maamulada Muqdisho ka maqan yihiin.
Shirka ayaa la filayey inuu Maanta oo taariikhdu ku beegan tahay 30-ka bishaan Janaayo uu qabsoomo, kadib markii Madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland Axmed Madoobe iyo Saciid Deni dalbadeen Shirka, si xal looga khilaafka ka taagan doorashada.
Labada Madaxweyne oo Qoraal wadajir ah soo saaray ayey ku sheegeen in muhiim ay tahay in xal laga gaaro khilaafka horgaatan doorashada dalka ka dhaceysa, isla markaana ka digay in 8 Febraayo la gaaro, iyada oo aan weli xal la gaarin.
Wakiilka Beesha Caalamka ayaa soo dhaweeyay shirka deg dega ah ee Madaxda dowlada Federaalka iyo maamul Goboleeyada loogu baaqay, sidoo kalena taageeray magacaabista Guddiyada doorasho ee Puntland iyo Jubbaland, xili dowladda ay sharci darro ku tilmaamtay magacaabitsa Guddiyada.
Dhinaca kale Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wakiilada Beesha Caalamka ayaa Maanta waxaa la filayaa in xarunta Madaxtooyada ku yeeshan kulan xasaasi ah oop looga hadlayo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka.