Shirkad Sameysa Tallaalka Covid-19 Oo Dab Qabsaday

0
365

Shirkad Sameysa Tallaalka Covid-19 Oo Dab Qabsaday

Shan qof ayaa ku dhimatay dab ka kacay xaruunta ugu weyn ee soo saarta tallaalka ee galbeedka dalka Hindiya.Dabka ayaa ka kacay guri dhisme ku socday isla markaana ah xaruunta machadka Serum oo ku taalla magaalada Pune.

Muuqaallo laga soo duubay ayaa muujinayay qiiq fara badan oo ka baxayay dhismaha ku yaalla xaruunta shirkadda soo saarta tallaalka.

Shirkadda ayaa sheegtay in wax soo saarka tallaalka uusan saameyn doonin dabkaan. Lamana oga waxa sababay dabka ilaa iyo hadda.

Dabka ayaa markii dambe la xakameeyay, laakiin duqa magaalada ayaa xaqiijiyay in shan qof ay dhinteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here