Shirka Wadatashiga Dowlada Federalka iyo Dowlad Goboleedyada oo Dhuusamareeb ka furmaya

0
308

Shirka Wadatashiga Dowlada Federalka iyo Dowlad Goboleedyada oo Dhuusamareeb ka furmaya

Shirka Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa in uu maanta ka furmyo magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.

Kulankan ayaa waxaa looga hadli doonaa xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha doorashooyinka dhacaya Soomaaliya.

Shirka oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa sidoo kale looga arrinsan doonaa sida lagu xalin karo khilaafka ka taagan doorashada oo ugu weyn yihiin arrinta Gedo, Guddiyada ee la magacaabay iyo arrinta Xildhibaanada Gobolada Waqooyi.

Ammaanka guud ee Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa siweyn loo adkeeyay, iyadoona sugida amniga ay iska kaashanayaan laamaha amniga Galmudug iyo kuwa dowladda Federaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here