Shirka Golaha Wasiirada Somaliland Oo Maanta Looga Dooday Arrimo Muhiim Ah
Fadhigii Golaha Wasiirrada maamulkq Somaliland Oo Maanta Lagaga Dooday Qodobo Muhiim ah.
Fadhigii 55-aad ee golaha wasiirrada Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa lagaga dooday qodobo ay ka mid yihiin xaalada Caabuqa Coronavirus, heerka waxbarashada dalka, khatarta ka dhalan karta Ayax dalka ku soo fool leh, iyo xaalada Shaqada iyo Shaqaalaha Dawladda oo madaxweynuhuna guddi u saaray.
Ugu horayn waxa golaha warbixin ka siiyey xaalada Caabuqa Coronavirus, wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland oo xusay in illaa hadda Somaliland ka nabad-qabto oo aan cidna lagu arag astaamaha xanuunkaasi lagu garto.
Waxa isna golaha warbixin mugleh ka siiyey wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland heerka waxbarashada iyo sidii deegaanada baadiyaha ah ee Magaalooyinka ka durugsan loo gaadhsiin lahaa waxbarashada.
Dhinaca kale wasiirka horumarinta Beeraha ayaa ka war-bixiyey khatarta ka dhalan karta Ayax dalka ku soo fool leh, sida lagu xusay war-bixinaha hay’adaha Ayaxa ku shaqada leh, isagoo wasiirku tilmaamay in ay u sii diyaar garoobeen ka wasaarad ahaan.
Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Somaliland oo fadhigan goobjoog ka ahaa ayaa dhiniciisa ka war-bixiyey xaaladda Shaqada iyo Shaqaalaha, War-bixintaas ka dibna waxa uu goluhu ku dheeraday dardar gelinta ku dhaqanka sharciga shaqada iyo shaqo-qorista, iyo sidii shaqo abuur loo samayn lahaa.
Ugu danbayntiina Madaxweynuhu waxa uu guddi uu hoggaaminayo Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland u saaray in ay ka soo tallo bixiyaan sidii xal waara loogu heli lahaa guud ahaan dhibaatada ka jirta shaqada iyo shaqaalaha, iyo sidii shaqo abuur loogu samayn lahaa muwaadiniinta Somaliland.
Xubnaha Guddida:
1. Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo ah Guddoomiyaha guddida.
2. Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee SL. Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon).
3. Wasiirka Arrimaha Gudaha SL, Mudane Maxamed Kaahin Axmed.
4. Wasiirka Waxbarashada iyo Horumarinta Sayniska SL, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno).
5. Wasiirka Diinta iyo Awqaafta SL, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed.
6. Wasiirka Tamarta iyo Macdanta SL, Mudane Jaamac Maxamuud Cigaal.
7. Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda SL, Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi Suufi.
8. Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga SL, Mudane Siciid Sulub Maxamed.
9. Wasiirka Cadaaladda SL, Mudane, Mustafe Maxamuud Cali Bile.
10. Wasiirka Horumarinta Maaliyadda SL, Dr. Sacad Cali Shire