Shirka Golaha Wadatashiga Ee Ka Socda Magaalada Muqdisho Oo Maalintii 3-Aad Galaya

0
434

Shirka Golaha Wadatashiga Ee Ka Socda Magaalada Muqdisho Oo Maalintii 3-Aad Galaya

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee ka socda Magaalada Muqdisho ayaa Maanta oo Arbaco ah galaya maalintii saddexaad oo xiriir ah, kaasi oo ay ka qeyb galayaan Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda 5-ta dowlad Goboleed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda..

Shirka ayaa waxaa diirada lagu saarayaa dardargelinta doorashooyinka, hufnaanta, sixitaanka waxyaabihii ka khaldamay doorashada, amniga  iyo jaangoynta xilliga la soo gabagabeynayo doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka.

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ayaa shalay kulamo la yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka iyo Midowga Musharaxiinta, iyagoona kala hadlay dardargelinta howlaha doorashooyinka iyagoo ka dhageystay talooyinkooda ku aaddan hufnaanta doorashada.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda 5-ta dowlad Goboleed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa tallooyin ku aadan doorashada ka dhageystay Bulshadda radyidka iyo Midowga Musharraxiinta.

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa Maanta sii amba qaadi doona doodo kala duwan oo ay ka yeelanayaan ajendayaasha horyaalla Shirkooda oo ay ugu weyn yihiin Arrimaha amniga dalka iyo jaangoynta xilliga la soo gabagabeynayo doorashada Golaha Shacabka.

Shirka Golaha Wadatashiga ee ka socda Muqdisho ayaa waxaa uu yahay mid isha ay ku wada haayaan Bulshada SOomaaliyeed iyo Beesha Caalamka, iyada oo siweyn loo sugayo natiijada kasoo bixi doonta Shirkaas, xili uu dalka ku jiro xaalada Cakiran oo siyaasadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here