Shirka Baarlamaanka Carabta oo maanta furmaya iyo Guddoomiye Aadan Madoobe oo khudbad ka jeedin doona
Shirweynaha 38-aad ee Ururka Baarlamaannada Carabta ayaa maanta ka dhacaya magaalada Algiers, iyada oo ka qeyb galayaan 250 xubnood ka kala yimid dalalka Carabta.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baaralamaanka Federaalka Soomaaliya, Shiikh Aadan Maxamuud Nuur iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeyb galaya shirkaan oo diirada lagu saarayo dib u habeynta nidaamka wadasheynta dunida Carabta iyo arrinta Falastiin.
Madaxda ka qeyb galeysa Shirka ayaa lagu wadaa in ay jeediyaan khudbado ay uga hadlayaan wada shaqeynta baarlamaannada Carabtu, xaaladaha siyaasadeed ee gobolka, gaar ahaan xadgudubyada ka dhanka ah shacabka reer Falastiin ee ku sugan dhulka la haysto iyo marinka Qaza.
Shirka oo socon doona ilaa berri ayaa laga soo saari doona Warmurtiyeed la xiriira qorshe howleed iyo miisaaniyadda 2025, iyo bixinta abaalmarinta heerka sare ee baarlamaannada Carabta.