Shiinaha oo si kulul u cambaareeyay heshiishka dhinaca badda ee dhexmaray Somaliland iyo Taiwan

0
22

Shiinaha oo si kulul u cambaareeyay heshiishka dhinaca badda ee dhexmaray Somaliland iyo Taiwan

Safaaradda Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa si kulul uga jawaabtay heshiiskii dhawaan ay kala saxeexdeen masuuliyiinta Somaliland iyo Taiwan, kaas oo la sheegay inuu ku saabsanaa iskaashi dhinaca ilaalinta xeebaha ah.

War-saxaafadeed ay safaaraddu soo saartay ayaa lagu sheegay in tallaabada Somaliland ay qaadday ay si toos ah uga hor imanayso mabda’a hal-Shiine, ayna dhaawacayso madax-bannaanida, midnimada iyo dhul-weynaha dalka Shiinaha.

Safaaradda ayaa sheegtay in dowladda Shiinahu ay si adag uga soo horjeedo waxa ay ugu yeedhtay “iskaashi siyaasadeed oo u dhexeeya maamulka Somaliland iyo maamulka Taiwan.”

“Adduunka hal Shiinaha ayaa jira. Taiwan waa qayb ka mid ah dhulka Shiinaha, lamana kala saari karo. Dowladda Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha ayaa ah dowladda kaliya ee sharciyan metesha Shiinaha oo dhan,” ayaa lagu yidhi warka kasoo baxay safaaradda.

Sidoo kale, safaaraddu waxay ku tilmaantay dadaallada Taiwan iyo Somaliland ay wadaan mid “isu ekaysiin siyaasadeed ah oo aan waxba ka beddeli doonin xaqiiqda ah in Taiwan aanay marnaba noqon doonin waddan madax-bannaan – hore uma ahayn, maanta uma aha, mustaqbalkana ma noqon doonto.”

Safaaradda ayaa sidoo kale xustay in sanadkan uu ku beegan yahay 80 sano guuradii kasoo wareegtay guushii dagaalkii ka dhanka ahaa xukuumaddii Japan iyo dagaalkii guud ee ka dhanka ahaa faashistayaasha, isla markaana xustay in qaraaradii caalamiga ahaa ee ka dhashay dagaalkaasi sida Baaqa Qaahira ee 1943 iyo Axdiga Potsdam ee 1945 ay si cad u qeexayeen in Taiwan ay tahay dhul ka tirsan Shiinaha.

Waxa kale oo ay tilmaantay in Qaraarka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2758, oo la meel mariyay 1971, uu gebi ahaanba meesha ka saaray suurtagalnimada ah in la abuuro laba dowladood oo ka jira dhulka Shiinaha ama Shiinaha iyo Taiwan ay noqdaan laba dowladood.

Ugu dambayn, safaaradda ayaa sheegtay in Somaliland ay qayb ka tahay dhulka Soomaaliya, sidaas darteedna aysan aqbali karin in Somaliland iyo Taiwan ay yeeshaan xidhiidh rasmi ah, xafiisyo ama iskaashi magaca uu doono ha lahaadee. Waxay ugu baaqday Somaliland in ay “aqoonsato waxay ugu yeedhay xaqiiqada jirta oo ay ka fogaato tallaabo kasta oo ay ku keeni karta cawaaqib xumo.”

Somaliland iyo Taiwan, oo aan midna dunida ka haysan aqoonsi rasmi ah, ayaa dhawaan kala saxeexday heshiis dhigaya in Taiwan ay horumariso aqoonta, tayada, iyo qalabka Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland, isla markaana laga wada faa’iidaysto dhaqaalaha buluugga ah ee baddaha.

Xidhiidhka labada dhinac ayaa ka cadhaysiiyay Muqdisho iyo Beijing, iyadoo safiirka Shiinaha ee Soomaaliya uu sheegay inay ka shaqaynayaan sidii cadaadis loo saari lahaa Hargeysa.

Somaliland iyo Taiwan ayaa ku dooda inay yihiin “dalal xor ah oo ay mideeyeen xorriyadda iyo dimuqraadiyadda,” iyaga oo iskaashi ka samaynaya dhinacyo badan oo horumarineed.