Shiinaha oo Gaadiid Ciidan ku wareejisay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya+SAWIRO

0
320

Shiinaha oo Gaadiid Ciidan ku wareejisay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya+SAWIRO

Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Fei Shengchao ayaa maanta Gaadiid dagaal ku wareejiyay XFS gaar ahaan Wasiirka Gaashaandhigga, Gaadiidkaan waxaa adeegsanaya Ciidamada Xoogga Dalka.

Munaasabad kooban oo ka dhacday Muqdisho waxaa ka hadlay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya Fei Shengchao, Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Jaamac & Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage.

Danjire Shengchao ayaa ugu horreyn sheegay in Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha deeqdaan ay ugu talagashay in lagu xoojiyo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Dalkiisa si kaalmo ay ugu noqoto Ciidamada Xoogga oo isu diyaarinaya la wareegista mas’uuliyadda amniga Dalkooda.

“Deeqdaan waxa aan ugu talagalay in ciidamada Soomaaliya ay qayb uga qaataan mas’uuliyadda Sugidda Amniga Dalkooda, sida maanta aad aragtaan Gaadiidkaan ciidan waa kuwa muhiim u ah oo caawinaya ciidanka Soomaaliya sida aan aaminsanahay” ayuu yiri Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in Gaadiidka & Agabka lagu wareejiyay lagu soo beegay waqti loo baahan yahay, Dowladda Shiinaha ayuu tilmaamay in ay ka gacansiiso waxyaabo badan.

“Waxa aan maanta halkaan u joognaa in aan la wareegto Agab & Gaadiid noogu deeqday Dowladda China oo xiriir qoto dheer naga dhaxeeyay oo in muddo ah maqnaa balse sanadihii dambe dib usoo laabtay, kaalmadaan waxa ay astaan u tahay saaxiibnimada & wax istarnimada maadaama qof weliba maalin uu wax u baahan yahay” Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Gaashaandhigga XFS.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in Gaadiidkaan qayb weyn ka qaadanayaan howlgalka la dagaalanka Al-Shabaab ee dalka ka socda isaga oo xusay in dib u dhiska ciidamada dhiiragelin u noqonayaan Gaadiidkaan.

“Dabcan Gaadiidka Qiimaha badan ee noocyada kala duwan ah halkaan yaalla waxa aan aaminsanahay in uu yimid waqti ku habboon oo ay u baahan yihiin ciidanka Xoogga Dalka, waxa aan u mahadcelinayaa Dowladda Shiinaha oo taageero hiil & hoo nala garab-taagan, waa qayb kamid ah dhismaha Ciidanka Xooga Dalka iyo horumarinta Hay’adaha ammaanka Dowladda” Sidaasi waxaa yiri Taliyaha CXD Gen. Odowaa.

Dowlado kala duwan ayaa taageera Ciidamada Dowladda Federaalka, qaarkood waa ay tababaraan halka kuwa kale ay bixiyaan agabka Ciidan iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin si ay ula wareegaan mas’uuliyadda ammaanka Dalkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here