Shiinaha Oo Ergey Gaar Ah U Magacaabaya Geeska Africa Iyo Sababta Ka Dambeysa

0
314

Shiinaha Oo Ergey Gaar Ah U Magacaabaya Geeska Africa Iyo Sababta Ka Dambeysa

Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay Khamiista maanta ah inay soo magacaabi doonto Ergey Gaar ah oo u qaabilsan horumarinta nabadda Geeska Afrika ee uu ay xasraduhu ka taagan yihiin, waxaana ay doonaysaa in ay diiradda saarto si ay uga ganacsato kaabayaasha dhaqaalaha ee Geeska Africa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa hadalkan ka sheegay dalka Kenya, oo ku hawlan dadaallada diblamaasiyadeed ee lagu joojinayo dagaalka ka socday Itoobiya ilaa dabayaaqadii 2020-kii ee u dhexeeyay Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) iyo xukuumadda federaalka ee Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.
Waxa uu sidoo kale booqday dalka Eritrea oo xuduud la leh gobolka Tigreega ee woqooyiga dalkaasi, isla markaana ay xulafo la ahaayeen Abiy, colaada ay ku dhinteen kumannaanka qof, boqollaal kun oo kalena ay xididada u siibtay gaajoda sii fideysa.

Dagaalka kale ee ugu weyn ee ka socda gobolka waa Soomaaliya oo ay xoogagga Al-Shabaab kula dagaallamayaan dowladda ay reer galbeedku taageeraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here