Shiinaha oo Ergay cusub u magacaabay Arrimaha Geeska Afrika.

0
311

Shiinaha oo Ergay cusub u magacaabay Arrimaha Geeska Afrika.

Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ayaa ergay cusub u xilsaaratay arrimaha Geeska Afrika si uu uga shaqeeyo isku xirka Beijing iyo dhaq-dhaqaaqa siyaasadeed, Ganacsi iyo xoojinta cilaaqaadka uu la wadaago Geeska Afrika.

Xue Bing ayaa shaqadaan u qabanaya Xukuumadda Shiinaha isaga oo kaashanaya waaya-aragnimada uu u leeyahay shaqadaan oo kuwo lamid ah uu horay usoo qabtay sida sheegeen diblumaasiyiin u dhashay Dalkaas.

Danjirihii hore ee Papua New Guinea Ahna Diblumaasi kasoo shaqeeyay Afrika, Ameerika iyo Astureeliya ayaa shukaanta u qabanaya danaha shiinaha uu ka leeyahay Geeska Afrika oo tartan xooggan Beijing ay la geli doonto waddamada ay xifaaltamaan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa sheegtay in Xue Bing uu wax ka qabanayo “Hormarinta Nabadda, Maalgelinta & nabadgalyada marinka Maraakiibta” isaga oo kaashanaya khubarada u dhashay dalkaas ee ku sugan Geeska Afrika.

Ergaygaan ayaa loo tilmaamay caqabadaha ugu badan ee xalka uga baahan waxaana kamid ah: Dagaalka Itoobiya ee soo billawday November 2020, Malaayiinta barakacday, Kumananka macluusha heysata & soo celinta Qaxootiga Xadka ka tallaabay.

Howlaha loo diray Ergayga Shiinaha waxaa kale oo kamid ah: in uu indhaha ku haayo Jamhuuriyadda Jabuuti oo saldhig ay leeyihiin Ciidamo ka socda dalkaas, Soomaaliya, Kenya & dhammaan Caqabadaha ku xeeran.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa Janaayo 2022 socdaal ku maray Wadddamo dhaca Qaaradda Afrika Gaar ahaan Bariga, waxa uu qiimeyn ku sameeyay kaalinta Dalkiisa uga bannaan ee u baahan in uu buuxiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here