Sheekh Mukhtaar Roobow Oo La Dhigay Isbitaal Digfeer

0
1009

Sheekh Mukhtaar Roobow Oo La Dhigay Isbitaal Digfeer

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa la dhigay Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho 15-kii Ramadaan kuna beegneed 21-kii bishii la soo dhaafay ee May kadib markii uu xanuunsaday

Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay  ayaa sheegay , Abuu Mansuur ayaa ka xanuunsaday Kiliyaha waxa uuna Isbitaalka ku jiray muddo 3 maalmood ah. Waxaa la dhigay qayb gaar ah oo loo diiday inta badan shaqaalaha iyo guud ahaan dadweynaha waxaana arintiisa gacanta ku haayay dhaqtar-ka ugu sarreeya Digfeer kaas oo u dhashay Turkiga.

Sheekh Mukhtaar Roobow oo hadda wanaagsan oo ay xaaladiisa soo hagaagtay ayaa la sheegay in xanuunkaan Kiliyaha ah uu hore u qabay islamarkaana uu mar mar ku soo kaco.

Markii uu ka soo baxay Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale waxaa hore loo dhigay Isbitaal, waxaana sababihii uu ugu soo biiray Dowladda la sheegaa in ay qeyb ka aheyd arrintaan caafimaad.

Dhaqaatiirta Caafimaad ee Abuu Mansuur ayaa sheegay in uu wanaagsan yahay waxayna u qoreen dawo iyo dhaqaatiir gaar ah oo la sheegay in ay siin doonaan dawadaasi sida ay noo xaqiijiyeen Saraakiil katirsan Isbitaalka Digfeer.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka dowladda Soomaaliya oo arintaan ku saabsan.

Saraakiil katirsan hey’adda NISA oo aan weydiinay ayaa sheegay in aysan xog badan ka heynin arrinta Abuu Mansuur islamarkaana aysan ogaan karin qof kasta balse ay gacanta ku haayaan mas’uuliyiin sar sare oo kaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here