Shan Askari Amisom oo ku dhaawacmay Qarax miino oo lagula eegtay deegaanka Waydow

0
782

Shan Askari Amisom oo ku dhaawacmay Qarax miino oo lagula eegtay deegaanka Waydow

Shan askari oo ka tirsan Ciidamada Amisom ayaa ku dhaawacantay Qarax Miino oo goor dhaweyd ka dhacay deegaanka Waydow ee duleedka dhanka Koonfureed ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, ayaa lala eegtay kolonyo Ciidamada Amisom oo wadada maraayay.

Shanta Askari ee dhaawaca uu soo gaaray ayaa mid ka mid waxa ay tahay haweenay, halka Afarta kale ay yihiin Askarta Amisom ee ragga ah.

Darawalkii waday gaariga Amisom ayaa la sheegay inuu lug ka go,ay kadib markii si xun uu qaraxa u saameeyay.

Qaraxa ayaa sidoo kale waxaa ku bur buray Mooto Bajaaj goobta mareysay oo ninkii la waday la waayay, balse dadka ay sheegeen inuu cararay.

Ciidamada Amisom ayaa goobtaasi ka jiitay gaariga la qarxiyay oo bur bur xoog leh uu soo gaaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here