Shacabka Zimbabwe oo rajo yar ka qaba sanad kadib isbadal ay la timaado xukuumada Manangagwa

0
592

Shacabka Zimbabwe oo rajo yar ka qaba sanad kadib isbadal ay la timaado xukuumada Manangagwa

Waxaa laga joogaa mudo sanad ah markii Madaxweynihii hore ee dalka Zimbabwe Mr Robert Mugabe oo xabsi guri ah xilka ay ka qaadeen ciidamada Milatariga.

Arintaan ayaa timid kadib markii dibad baxyo waaweyn oo looga soo horjeedo xukunka mudada ku dhow 40 sano oo uu hayay xilka Mr Mugabe.

Waxaa si ku meel gaar ah xilka ula wareegay 10 maalin oo xaalada kacsaneyd kadib ku xigeenkiisa ahna taliyihii milatariga Mr Emmerson Mnangagwa.

Shacabka Zimbabwe ayaa markaa dareemay in uu u curtay waa cusub waxaana bshii July ay si rasmi ah xilka madaxtinimada ugu doorteen Madaxweynaha haya talada.

Boqolaal kun oo ruux oo ka qeyb qaatay dibad baxyadii waaweynaa ee ka dhacay dalkaas ka hor inta aan si qasab ah xilka looga qaadin 18-kii bishii November madaxweyne Mugabe ayaa hada aaminsan in aysan helin waxyaabihii ay u dirirayeen.

Takudzwa Tawenga, waa 32, jir ku nool magaalada Harare si iskiis ahna ugu shaqeesta xirfada sawirada waxaana uu sheegay in uu ka xun yahay in uu ka qeyb qaatay dibad baxyadii sababta u ahaa in xilka laga qaado Mugabe maamulka cusub na uu yimaado.

Waxaa uu sheegay in uu dareemayay maalinkaa in ay shacabku ka baxeen dhibaatadii uu ku hayay Mugabe, balse maamulka cusub uusan waxba dhaamin hogaamiyihii xilka laga qaaday.

Takudzwa Tawenga,ayaa hadalkiisa ku soo koobay in Manangagwa uu yahay sargaal milatari oo aan u naxeyn shacabka balse inta uu xilka hayo uu naftiisa uu raaxeysan doono.

Hogaamiyaha xisbiaga mucaaradka ee xilka looga guuleestay doorashadii la qabtay 30-kii bishii July Mr Nelson Chamisa ayaa horay ugu dhaliilay madaxweynaha xilka kaga guuleestay in uu yahay shaqsi aan laga filan karin in uu hormariyo nolosha shacabka Zimbabwe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here