Shacabka Hargeysa oo soo dhaweeyay in Soomaaliland ay ka laabato heshiiskii ay la gashay Imaaraadka

0
492

Shacabka Hargeysa oo soo dhaweeyay in Soomaaliland ay ka laabato heshiiskii ay la gashay Imaaraadka

Shacabka ku dhaqan deegaanada Soomaaliland ayaa aad u soo dhaweeyay heshiiskii horay maamulka Hargeysa uu ula galay Imaaraadka oo la xiriiray dhismaha    Saldhiga Imaaraadka ee magaalada Barbara oo laga laabtay.

Qaar ka mid ah shacabka magaalada Hargeysa oo la hadlay Universal ayaa tilmaamay in ay aad ugu faraxsan yihiin go,aankan maadaama dani ay u tahay amniga Soomaaliland.

Dhanka kale waxaa jira warar sheegaya in Imaaraadka uu go,aansaday in uu isaga guuro garoonkan maadaama uu isbadal uu ku yimid dagaal Isbaheysiga Sacuudiga ka waday Yemen.

Shacabka ayaa reer Hargeysa ayaa ka baqdin qabay saameynta amni uu garoonkan ku yeelan doono iyadoo kooxda xuutiyiinta bilowday in weeraro ay ka geysato gudaha Sacuudiga.

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sabtida maanta ah ku dhawaaqay in garoonka laga dhigi doono mid Dadweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here