Shacabka dalka Koofurta Kuuriya oo maanta u dareeraya goobaha codbixinta

0
42

Shacabka dalka Koofurta Kuuriya oo maanta u dareeraya goobaha codbixinta

Shacabka Koonfurta Kuuriya ayaa maanta u dareeray goobaha codbixinta si ay u doortaan madaxweyne cusub oo beddela Yoon Suk-yeol, oo xilka laga qaaday.

 

Doorashadan ayaa lagu tilmaamay mid xasaasi ah oo shacabka Koonfurta Kuuriya ay isha ugu hayaan cidda la wareegi doonta hoggaanka dalka xilli uu wajahayo caqabado siyaasadeed iyo kuwo amni.

 

Doashada ayaa waxaa ku tartamaya Musharaxiinta Lee Jae-myung oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ee Democratic Party of Korea iyo Kim Moon-soo oo u matalaya xisbiga haya talada ee People Power Party.

 

Doorashadan ayaa timid kadib markii bishii December ee sanadkii hore la riday xukuumaddii Madaxweynihii hore oo dalka ku soo rogay xaalad degdeg ah, taasoo dhalisay caro iyo muran siyaasadeed.