Shabaab oo xukun karbaash kula fuliyay Fagaare ku yaal Kamsuuma Haweenay

0
667

Shabaab oo xukun karbaash kula fuliyay Fagaare ku yaal Kamsuuma Haweenay

Ururka Al Shabaab ayaa xukun ku fuliyay haweenay ay ku eedeeyeen inay ku kacday Fal Zino ah Degmada Kamsuuma ee Gobolka Jubbada hoose.

Xukunkaan ayaa dhacay shalay galab, kadib markii ay ku fuliyeen haweenayda lagu magacaabo Maryam Muxudiin Maxamed 100 Jeedal ah.

Dadweyne badan ayaa daawanaayay goobta fagaaraha ah ee haweenaydaan xukunka lagula fuliyay, waxaana Xukunka ku dhawaaqay Qaadiga Shabaab.

Qaadiga Maxkamadda ayaa sheegay haweenayda inay qiratay falka ay ku kacday, sidaasi awgeedna xukunka loogu fuliyay.

Deeganada Shabaab ay joogaan ayaa waxaa ka dhaca xukunada noocaan oo kale ah oo ay ku fuliyaan dadka ay ku eedeeyeen inay galaan falalka Zinada.

Maxkamadaha Shabaab ayaanan wali ridin xukun loo haysto askari ka tirsan Shabaab oo fal zino ah galay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here