Senegal Oo Ku Guulaysatay Koobka Qaramada Afrika Iyo Aliou Cisse Oo Taariikh Sameeyay

0
267

Senegal Oo Ku Guulaysatay Koobka Qaramada Afrika Iyo Aliou Cisse Oo Taariikh Sameeyay

Xulka qaranka Sengal ayaa xalay ku guulaystay koobka Qaramada Afrika markii ugu horraysay tan iyo markii koobkan la billaabay 1957-kii. Waxa ay caawa garoonka Olembe stadium ee caasimadda Yaounde ee dalka Cameroon gool ku laadyo uga adkaadeen xulka Masar oo doonayay oo in ay markii siddeedaad ku guulaystaan koobkan.

Waxay ahayd guul si weyn u ruxday garoonkan lixdanka kun ee qof qaada. Taageeryaal dhowr kun ah oo Senegal u mashxaradayay ayaa sawaxabkooda la moodayay inuu guud ahaan garoonka is qabsaday. Maalmihii ugu danbeeyay taageerayaasha Senegal ee imaanayay dalkan waa ay sii badanayeen maalinba maalinta ka danbeysa.

Cayaarta ayaa waqti dheeri ah lagu daray, kadib markii labada dhinac ay is mari waayeen,waxaana Rigoore yaal guusha ku qaaday dalka Senegaal, kadib markii gool ku laadkii ugu dambeeyay uu tuuray hoggaamiyaha Xulka Sadio Mane.

Goolhayaha Masar Gabaski oo ilmeynaya ayaa si cagajiid ah u aqbalay abaal-marintiisa ciyaaryahanka ugu wanaagsanaa ciyaarta caawa. Sadio Mane ayaa garoonka lagu arkayay isagoo maslaxaya saaxiibkii Maxamed Saalax.

Waxaa sii batay liiska dalalka ku qoran koobka qaramada Afrika. Dabcan guusha caawa Qaahira waa qalbijab laakin Dakar waa mid looga doogsaday.

Dhanka 2002 Aliou Cissé oo ah macalinka Senegaal ayaa rigoore qasaariyay isagoo kabtan ah si uu finalka AFCON uga adkaado Cameroon, balse Labaatan sano ka dib xalay waxuu  Senegal ku hogaamiyay koobkooddii ugu horreeyay Oo ah koobka qaramadda qaaradda Africa, taasi oo noqotay taariikh Cajiib ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here