Safwaan Halac oo ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay magaalada Hargaysa
Fannaanka Da’da yar ee Safwaan Xasan Aadan oo ku magac dheeraa (Safwaan Halac) ayaa ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay Magaalada Hargaysa sida ay xaqiijiyeen xubno katirsan qoyskiisa iyo qaar kamid ah fannaaniinta ay asaxaabta ahaayeen marxuumka.
Safwaan Halac oo qurbaha ka yimid ayaa muddooyinkii dambe ku sugnaa Magaalada Hargaysa, waxaa maydkiisa la dhigay Isbitaalka Magaaladaas, mas’uuliyiin kala duwan oo katirsan Maamulka Somaliland ayaa ka tacsiyeeyay geerida Fannaankaan.
Waxaa dhaawac lasoo gaaray qaar kamid ah dhallinyaro la socotay oo lagu daweynayo Isbitaalka Magaalada Hargaysa, Gaariga waxaa la xaqiijiyay in uu gacantiisa ku watay Marxuum Safwaan Halac sida uu sheegay walaalkiis.
Saddexdii bil lasoo dhaafay ayuu joogay deegaannada Somaliland isaga oo ku noolaa ama degenaa Dalka Jarmalka, waxa uu kamid ahaa tiro fannaaniin da’yar ah oo soo caanbaxay sanadihii lasoo dhaafay.
Deegaannada Somaliland waxaa ku batay shilalka Gawaarida ee galaafta nolosha Dad badan oo qaarkood dalxiis u tagay Maamulkaas, sababta ayaa lagu sheegaa wadayaasha oo xawaare sare ku wada iyo waddooyinka oo meelaha qaar burbursan.