Safaarada Somaliya ee Ankara Oo Shaacisay Cidda Dishay Dhalinyaro Soomaali Ah Oo Meydkooda La Helay

0
612

Safaarada Somaliya ee Ankara Oo Shaacisay Cidda Dishay Dhalinyaro Soomaali Ah Oo Meydkooda La Helay

Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga Qadar Cabdiqani ayaa si kulul uga hadlay Dhalinyaradii Soomaaliyeed ee dhawaan meydadkooda laga helay xadka Greece & Turkiga.

Wuxuu sheegay in dowladda Greece ay si ulakac ah u dishay Shanta dhalinyarada Soomaaliyeed ah, kuwaas oo tahriibayaal ahaa.

Xoghaye Qadar Cabsiqani waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in dowladda Soomaaliya ay baaritaan ku heyso dhacdadaas, isla markaana wixii kasoo baxa ay la wadaagi doonaan Shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed in aysan u tahriibin dalka Greece oo dhibaatooyin badan ay kala kulmi karaan naftoodana aysan halis u horseedin.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa dhawaan soo bandhigtay Magacyada Afarta Dhalinyarada ah ee la sheegay inay qaboow dartiis ugu dhinteen xadka Greece iyo Turkiga, kuwaas oo Magacyadooda lagu kala sheegay.

1: Cabdi Mahdi Cali.

2: Yaxye Jamaal Muumin.

3: Abuubakar Axmed Ibraahim

4: Naasir Suleeymaan Xasan.

5: Najax Cabdi Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here