Saeed Khatibzadeh: “wada xaajoodka 5aad ee Iiraan & Sacuudiga waxaa laga gaaray horumar”.

0
442

Saeed Khatibzadeh: “wada xaajoodka 5aad ee Iiraan & Sacuudiga waxaa laga gaaray horumar”.

Saeed Khatibzadeh, Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Islaamiga Iiraan oo ka hadlay wada-xaajoodka siyaasadeed ee dalkiisa kala dhaxeeya Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay wahadalkaas in horumar laga gaaro.

Xiriirka diblumaasi ee Xukuumadaha Tehran iyo Riyadh ee go’ay sanadkii 2016kii ayuu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan Saeed Khatibzadeh in dib loosoo celiyo si meesha looga saaro madmadowga siyaasadeed.

“Wada xaajoodka 5aad ee Iran iyo Sacuudi Carabiya ee Baqdaad waxa mid wanaagsan oo miro-dhal ah oo horumar muuqda laga sameeyay” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran Saeed Khatibzadeh oo la hadlay warbaahinta.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa wax ka baddeshay siyaasaddii xirxirneed ee ay ku wajaheysay waddamada qaar kaddib markii Riyadh ay ka garab baxday dhiggeeda Washington, waxa uu Sacuudiga soo celiyay xiriirka Qatar iyo dalal kale.

Khubarada sida dhaw ula socda arrimahaan ayaa ku sifeeyay in qorshahaan uu yahay mid Sacuudiga uu ku doonayo in waji baddel ku sameeyo siyaasadiisa xirxirneed oo dalalka qaar u janjeerta Mareykanka iyo xulufadiisa.

Sacuudiga waxa uu Iiraan ku eedeeyay in ay garab iyo gaashaan u noqotay Kooxda Xuutiga ah ee Yemen dagaalka kula gashay Dowladda Madaxweyne Cabdirabbu oo saldhigay Magaalada Cadan kaddib markii laga saaray Sanca.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here