Sacuudiga oo la wareegay hoggaanka taliska howlgalka la dagaalanka Burcad Badeed

0
338

Sacuudiga oo la wareegay hoggaanka taliska howlgalka la dagaalanka Burcad Badeed

Dowladda Sacuudiga ayaa lagu wareejiyay hoggaanka taliska ciidamada isku-dhafka ah oo badda Soomaaliya uga howlgala la dagaalanka burcad-badeeda.

Taliskan oo loo yaqaan CTF-150 ayaa waxaa hogaaminayay dowlada Faransiiska waxana ay taliskan ay sameeyaan dabagal, kormeer iyo howlgalo caadi ah oo lagu ilaalinayo maraakiibta maraysa xeebaha Soomaaliya.

Howlgalkan ayaa waxaa hoos yimaada 14 illaa 15 maraakiib sida ku cad xogta iyo Istiraatiijida howlgalkaan 12-ka sano ku sugan Xeebaha Soomaaliya.

Ciidamadan ayaa waxa hoggaankooda la bedelaa lixdii biloodba mar iyadoo ciidamadan kuwooda ugu badan ay joogaan gacanka Cadan iyagoo ka hortagga weeraro lagu qaado maraakiibta caalamiga ah.

Bishii August sanadkii 2008-dii ayaa la sameeyay howlgalkan ka gedaal markii ay aad u soo kordheen weerarada iyo qafaalashada maraakiibta oo ay gaysanayeen burcad badeed Soomaaliyeed.

Badda Cas, gacanka Cadan, Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cumaan ayaa kamid ah meelaha ay waajibaadkooda ugu badan ka fuliyaan.

Warbaahinta ku hadasha afka ciidamadda Sacuudiga ayaa sheegtay in taliskooda uu rajeynayo in uu ku guuleysto mudada uu xilkaan hayo.

Wargeyska Al Khaleej Today oo daboolka ka qaadey in ciidanka Sacuudiya Carabiya ya xilka ka waregeen ayaan magacaabin taliyaha cusub.

Biyaha Soomaaliya oo ay ku jiraan kheyraad badan oo dadkii lahaa ay ka baahan yihiin isla markaana shisheeye uu ka macaashayo ayaa loo aqoonsaday mid kamid ah badaha caalamka ee dambiyada ugu badan ay ka dhacaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here