Sacuudiga oo kamid ah Dalalkii burburiyay Yemen waxa uu $1 Bilyan ku bixinayaa dib u dhiska Dalkaas!

0
156

Sacuudiga oo kamid ah Dalalkii burburiyay Yemen waxa uu $1 Bilyan ku bixinayaa dib u dhiska Dalkaas!

Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegtay in ay taageero dhaqaale ay siineyso waddanka ay xadka wadaagaan ee Yemen si dib u dhiska dalkaas looga qaybgalo maadaama Dowladda dibad-joogga ah ee Yemen ay dalbatay in la gacan-qabto.

Sacuudiga oo kamid ah waddamada Carbeed ee qaybta wayn ka qaatay burburka Yemen ayaa dhowr jeer u ballanqaaday in uu ku taageerayo lacag looga qaybgalayo dib u dhiska Dalkaas oo burbur dhaqaale kasoo gaaray Isbaheysiga Carabta.

Wakaaladda SPA ee Sacuudiga ayaa sheegtay in Madaxda Dibad-joogga ah balse Dowladda ay maamulaan fadhigeedu tahay Magaalada Cadan ay dalbadeen dhaqaale dib loogu dhisayo Waddanka Yemen si uu uga soo kabto dagaalka Sokeeye iyo midka Dalalka Khaliijka.

Boqortooyada Sacuudiga oo tixgelineysa codsiga ka yimid Madaxda Dowladda Yemen ayaa ku dhawaaqday in ay siineyso $1 Bilyan oo Doollar si loogu shubo koontada lagu xareynayo dhaqaalaha loo qoondeeyay dib u dhiska Dalkaan carbeed ee xeebta leh.

Dagaallada Isbaheysiga Carabta ku hayeen Yemen ayaa hoos u dhacay kaddib markii Dowladihii u midoobay in ay duullaan ku qaadaan Dalkaas ay kala furfurteen iyada oo Dowlad weliba ay sameysatay Kooxo u dhashay Yemen oo si dhaw ula shaqeeya.

Sarkaal katirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in aanay jirin dagaal toos ah oo haatan ka socda Yemen balse taasi aanay ka dhigneen in xasilooni ay ka jirto waayo waxaa jirta xaaladda cabsida ah ee colaadda sababtay.

Magaalada Sanca waxaa gacanta ku haya Kooxda Xuutiga ah ee taageerada ay hesho loo tiiriyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan inkasta oo marar badan ay iska fogeeyeen, halka Dowladda caalamka aqoonsiga ka heysata fadhigeedu yahay Magaalada Cadan.

Magaalooyin dhowr ah oo Yemen waxaa ku sugan Kooxo kala taageeraya Waddamada Khaliijka oo mid weliba dantiisa gaarka ah ka eeganaya, waxa ay dalalkaas dhinacyadaan siiyaan hubka, dhaqaalaha iyo qorshaha lagu mira-dhalin karo hadalka ay leeyihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here