Sacuudiga Oo Ka Mid Noqday Dalalka Sida Weyn Uga Carooday Tallaabadii Kitaabka Qur’aanka Loogu Gubay Sweden

0
290

Sacuudiga Oo Ka Mid Noqday Dalalka Sida Weyn Uga Carooday Tallaabadii Kitaabka Qur’aanka Loogu Gubay Sweden

Sacuudi Carabiya ayaa aad uga carootay wararka sheegaya in si ula kac ah Qur’aanka loogu gubayo Sweden. Sida wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga ay ku xustay bayaan ay saakay soo saartay.

Wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa bayaankeeda waxay ku tiri, “Wasaaradda arrimaha dibadda waxay gudbineysaa cambaareynta Sacuudi Carabiya ee ku aaddan tacaddiga iyo daandaansiga Muslimiinta.”

Bayaanka ayaa intaa ku daraya, “Sacuudi Carabiya wuxuu xoojinayaa muhiimadda dadaallada lagu dardar gelinayo wada xaajoodka, dulqaadka iyo wada noolaanshaha. Iyo sidoo kale baabi’inta nacaybka, xagjirnimada iyo tacaddiyada dhammaan diimaha iyo goobaha barakeysan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here