Sacuudiga & Iiraan oo ku heshiiyay dib usoo celinta xiriirkooda Diblomaasiyadeed.
Waddamada Sacuudiga & Iiraan oo xiriirkoodu xumaa tan iyo 2014 ayaa si tartiib-tartiib ah muddooyinkii dambe dib ugu soo celinayay cilaaqaadkooda si ay usoo xiraan bogga madow ee colaadda daba-dheeraatay.
Isbaddelka ka dhacay Mareykanka ee meesha oo uga baxay Madaxweynihii 45aad ee Dalkaas Donald Trump ayaa suurageliyay in Indhaha Sacuudiga ay ka jeestaan Dalkaas si ay u helaan nabadgalyo & xiriir wanaagsana dib u dabciyaan xargaha siyaasadeed ee waddamada qaar.
Xukuumadda Riyadh oo dhibane u ahayd tan iyo 2015kii dhiggeeda Tehran ayaa sheegtay in Iiraan ay garab & gaashaan u noqotay Kooxaha Xuutiyiinta Yemen ee ay ku duulleen Isbaheysiga Carabta uu Sacuudiga shukaanta u hayay.
4tii cisho u dambeysay Wakiilo ka kala socda Sacuudiga iyo Iiraan ayaa wadahdal aan bannaanka xogtiisa usoo bixin uga socday Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha oo labada dhinac xiriir wanaagsan la wadaagto.
Labada dhinac waa Sacuudiga & Iiraan waxa ay ku heshiiyeen in ay dib usoo celiyaan xiriirkooda diblomaasiyadeed si loo dhaliyo wadahal mira-dhal noqdana loo baahan yahay in marka hore tijaabo la mariyo sida ay u dhaqangalaan qodobada hordhaca ah oo ay isku fahmeen.
Boqortooyada Sacuudiga ayaa heshiiska Iiraan u aragta in ay ku heli karto nafis yar oo ay uga baaqan karaan weerarada lagu fuliyo diyaaradaha duulliye la’aanta Drones-ka loo yaqaan ee Xuutiyiintu ku beegsadeen Keydka Shidaalka, Riyadh ayaa diyaaradaas ku sheegtay in ay sameysay Tehran inkasta oo marar badan ay iska fogeysay eedeyntaas.