Sacuudi Carabiya ayaa si kumeel-gaadh ah u joojisay bixinta fiisaha 14 waddan
Sacuudi Carabiya ayaa si kumeel-gaadh ah u joojisay bixinta fiisaha 14 waddan, kuwaas oo horey uga heli jiray fiisaha Cumrada, ganacsiga, dalxiiska, iyo booqashada qoysaskooda. Wadamada la joojiyay waxaa ka mid ah: Algeria, Bangladesh, Masar, Itoobiya, Hindiya, Indonesia, Ciraaq, Urdun, Marooko, Nigeria, Pakistan, Suudaan, Tuunis, iyo Yemen.
Mas’uuliyiin la hadlay warbaahinta ARY News ayaa sheegay in talaabadan looga gol leeyahay in laga hortago dadka aan isdiiwaangelin ee isku dayaya inay si sharci darro ah u gutaan xajka. Sidoo kale, waxaa laga walaacsan yahay dad ku gala dalka fiisaha ganacsiga ama booqashada qoyska oo markii dambe si sharci darro ah uga shaqeeya gudaha dalka.