RW Rooble Oo u Jawaabay  Farmaajo ayaa sheegay in aan Laga Aqbaleynin Inuu Doorashada Ku Takri Falo

0
287

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa uu sheegay inuu aad xun yahay Qoraalka saakay kasoo baxay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee lagu sheegay inuu Rooble gudan waayay waajibaadkiisa shaqo ee aheyd hoggaaminta doorashada dalka.

War-saxaafadeed dheer oo kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa lagu sheegay in Qoraalka lasoo saaray uu ahaa mid si ku talo-gal ah uu Madaxwaynuhu ugu carqaladaynayo hannaanka Doorashada oo maraya marxalad aad xasaasi u ah.

Rooble ayaa xusay in Qoraalka Farmaajo lagu soo beegay xilli loo balansanyahay Kulanka Golaha wadatashiga Qaranka, uuna yahay qorshe uu Madaxwaynuhu ku doonayo in uu uga hortago kulanka Golaha taas oo si cad u muujinaysa in aanu Madaxwaynuhu marna raali ka noqon, in dalkaan ay ka dhacdo doorasho.

Sidoo kale Rooble ayaa la wadaagay Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkaba in Farmaajo intii uu Xafiiska joogay uu waqti, maal iyo maskaxba ku bixinayay sidii uu kusii joogi lahaa xafiiska isaga oo isku dayaya in doorashadu noqoto oo kaliya mid ka jawaabaysa doonistiisa ama uu wadada u xaarto muddo kororsi sharci-darro ah.

Ra’iisul Wasaaruhu ayaa la socodsiiyay Shacabka Soomaaliyeed iyo Bulshada Caalamka in la joogo xilligii si wadajir ah looga hor-imaan lahaa shaqsiyaadka caqabadda ku ah nabadda iyo dowlad-dhiska Soomaaliya si looga baaqsado in uu dalku galo qalalaase siyaasadeed iyo mid amni.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Xafiiska Rooble

Musharrax gaar ah lagama aqbalayo in uu in doorashada ku takri falo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu aad uga xun yahay qoraalka saaka aroortii kasoo baxay Xafiiska Madaxwaynaha.

Qoraalkaas waxa uu ahaa mid si ku talo-gal ah uu Madaxwaynuhu ugu carqaladaynayo hannaanka Doorashada Dalka oo maraya marxalad aad xasaasi u ah.

HomeWarar
RW Rooble Oo Shaaciyay In Farmaajo Aan Laga Aqbaleynin Inuu Doorashada Ku Takri Falo
On Dec 26, 2021 Last updated Dec 26, 2021

Share

RELATED POSTS
Xukuumadda Xilgaarsiinta Oo Soo Saartay Amar Ka Dhan Ah Taliyaha Ciidanka Badda

Dec 26, 2021
Maxay Ka Tiri QM Terminalkii Ay Xirtay Dowladda Somalia Ee Garoonka Muqdisho?

Dec 26, 2021
Kulan Looga Hadlaayay Amniga Doorashada Oo Maanta Ka Qabsoomay Kismaayo

Dec 26, 2021
Sida ka muuqata waqtiga lagu soo beegay qoraalkan oo ah xilli loo balansanyahay Kulanka Golaha wadatashiga Qaranka oo la doonayo in lagu dardargaliyo howlaha Doorashooyinka, iyo ilaalinta hufnaanta doorashada, waa qorshe uu Madaxwaynuhu ku doonayo in uu uga hortago kulanka Golaha taas oo si cad u muujinaysa in aanu Madaxwaynuhu marna raali ka noqon, kana noqondoonin in dalkaan ay ka dhacdo doorasho ay ku kalsoonaan karaan Bulshada Soomaaliyeed.

Waxaan la wadaagaynaa Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkaba in Madaxwaynuhu intii uu Xafiiska joogay uu waqti, maal iyo maskaxba ku bixinayay sidii uu kusii joogi lahaa xafiiska isaga oo isku dayaya in doorashadu noqoto oo kaliya mid ka jawaabaysa doonistiisa ama uu wadada u xaarto muddo kororsi sharci-darro ah.

Tan iyo intii uu Ra’iisul Wasaauruhu la wareegay hoggaaminta howlaha doorashada, Madaxwaynuhu waxa uu si joogto ah caqabad ugu ahaa hirgalinta doorashadii lagu heshiiyay, isaga oo isticmaalayay xeelado kala duwan kuwaas oo markii mid la xaliyaba uu buurayay mid kale ilaa uu saaka si cad oo sharciga baalmarsan u soo saaray baaqan mas’uuliyad-darrada ah.

Waxaa xusid mudan in doorashada uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaruhu ay tahay mid ay u siman yihiin dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Musharaxiinta u tartamaya hoggaanka dalka oo uu ku jiro Madaxwaynahu sidaas darteed lama aqbali karo in Musharax gaar ah uu isku dayo in uu doorashada ka dhigo mid uu natiijadeeda ku leeyahay saamayn gaar ah.

Haddaba, waxaan Shacabka Soomaaliyeed u caddayneynaa in mas’uuliyadda doorashadu ay saaran tahay Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Wadatashiga Qaranka, sidaas awgeed shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu icla

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here