Ruushka & Sacuudiga oo kawada hadlay xal u helista dhibaatada dhanka Shidaalka.

0
169

Ruushka & Sacuudiga oo kawada hadlay xal u helista dhibaatada dhanka Shidaalka.

Ruushka oo daneynaya in uu saaxiibo cusub sameysto si uu uga gudbo jallaafooyinka siyaasadeed ay u dhigayaan xulufada Mareykanka ugu tun weyn yahay iyo Boqortooyada Sacuudiga oo rabta in ay ka hoos baxdo xulufadaas Washington ayaa bog cusub u furay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya.

Labadaan dal hodanka ku ah shidaalka ayaa kawada hadlay heshiiska OPEC + ee lagu xaddidayo soosaarista shidaalka, Moscow oo xayiraad xooggan ay saareen Washington iyo waddamo badan oo Yurub ah ayaa rabta in ay jebiso buundadaas adag.

Sacuudiga qudhiisa oo is baddel cusub lasoo baxay markii uu xilka Madaxweynaha Mareykanka banneeyay Donald Trump ayaa billaabay in uu xiriir la sameeyo Shiinaha, Ruushka, Iiraan iyo waddamada kale aanay isu wanaagsaneen Washington.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin & Dhaxal-sugaha Sacuudiga ahna Amiirka Dalkaas Maxamed Bin Salmaan (MBS) ayaa xiriir telefoon oo dhexmaray waxa ay uga wadahadleen heshiiska shidaalka OPEC + sida lagu sheegay war kasoo baxay Moscow.

“Wadahadalku wuxuu u socday hab saaxiibtinimo leh oo waxa uu ahaa mid wax dhisaya oo warbixin lagu kala qaatay, waxaa la isku raacay in la dhiso xiriir meelo gaar ah oo iskaashi ah” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Ruushka.

Mareykanka oo aan jecleysan xiriirkaan weli kama hadlin, Washington waxa ay horay u sheegtay in ay tallaabo ka qaadeyso waddamada iyo dhinacyada heshiis la gala Ruushka oo Ukraine ku duullay 24kii Febaraayo 2022 balse lama oga tallaabta uu ka qaadayo Boqortooyada Sacuudiga oo qaadeysa tallaabooyin aanay Mareykanku mahdin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here