Ruushka Oo Shaaciyay Tirada Xarumaha Milateriga Uu Ka Burburiyey Dowladda Ukraine

0
522

Ruushka Oo Shaaciyay Tirada Xarumaha Milateriga Uu Ka Burburiyey Dowladda Ukraine

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka Igor Konashenkov ayaa sheegay in ay burburiyeen tiro diyaarado Helicopter Mi-24 ah sidoo kale waxa ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, baabuurta gaashaaman iyo kuwa qaada gantaalaha.

Xarumahan ayaa waxa ka mid ah afar xarumood oo laga hagi jiray taliska ciidanka Ukraine, hal xarun isgaarsiinta ah, saddex saldhig sidoo kale waxa la burburiyey 54 bakhaar oo lagu kaydin jiray qalabka militariga iyo Rasaasta.

Tan iyo markii uu Ruushka bilaabay dagaalka uu ku hayo Ukraine 24-kii Febraayo, in ka badan 2.5 milyan oo qof ayaa u qaxay dalal kale, iyadoo ilaa 2 milyan oo kale ay ku barakaceen gudaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here