Ruushka oo lagala dagaalamayo Baraha Bulshada.

0
645

Ruushka oo lagala dagaalamayo Baraha Bulshada.

Dagaalka Ruushka uu ku qaaday Ukraine 24-Febaraayo-2022 oo galay maalintii 17aad ayaa sababay dhimasho, dhaawac, Barakac iyo burbur xooggan oo soo gaaray Dalkaas halka weli duqeyn ku socoto Magaalooyin dhowr ah.

Mareykanka iyo xulufadiisa oo dagaalka kahor Ukraine u muujiyay in ay ka gacansiinayaan ka falcelinta haddii Ruushka uu weeraro ayaa ficil sameyn marka laga reebo “Cambaareyn, Dhaliilid & xayiraad” lagu soo rogay Moscow.

Ka falcelinta Dagaalka Ruushka oo ka dhalatay go’doomin dhaqaale ayaa marxalad kale gashay kaddib markii Shirkaha Baraha Bulshada ay soosaareen go’aamo lagu joojinayo hanjabaadda Moscow & guulaha ay ka gaarto Dagaalka Ukraine.

YouTube ayaa go’aan ku gaartay in ay joojiso baahinta muuqaallada Ruushka si loo tusiyo Xukuumadda Moscow qayb kale oo ah falcelinta ka dhalatay Duullaanka uu ku qaaday waddanka ay xad-wadaagga yihiin ee Ukraine.

Alphabet Inc (Google) ayaa ku dhawaaqday in ay hoos u dhigeyso macluumaad ay ku tilmaamtay in ay yihiin “Marin Habaabin” si looga hortagana ay joojin doonto xogaha ka imaanaya dhanka Ruushka.

Dhanka kale, Dowladda Ruushka ayaa ku dhawaaqday in Isniinta oo ku beegan 14ka Maarso 2022 wixii ka dambeeya la jari doono Adeegsiga Instagram sabab ka dhalatay faafinta warar “Been abuur ah” oo la xiriira khasaaraha ka dhashay dagaalka Ukraine.

Madaxa Instagram Adam Mosseri oo dhanka kale ah Ganacsade ayaa sheegay in go’aankaan uu saameyn taban ku reebayo 80 Milyan oo ruux oo rukun ah kuna nool Dalka Ruushka sida uu ku yiri qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here