Ruushka oo dib u billaabay daadgureynta Dadka ku sugan deegaannada ay duullaanka ku yihiin ciidanka Ukraine.

0
254

Ruushka oo dib u billaabay daadgureynta Dadka ku sugan deegaannada ay duullaanka ku yihiin ciidanka Ukraine.

Ruushka ayaa billaabay in uu daadgureeyo Dadka deegaanka ah ee ku sugan Magaalooyinka u muuqda in ay kasii baxayaan gacantiisa oo ay kusii siqayaan Ciidamada Ukraine ee isa caabbinta xooggan kala hortagay Askarta Moscow.

Qaar kamid ah Maamullada Magaalooyinka Ruushka uu sheegay in uu codeyn Dad weyne ugu darsaday dhulkiisa ayaa billaabay in ay dadka ku wargeliyaan in ay isaga tagaan deegaannadooda oo ay duullaan ku yihiin askarta Ukraine.

Magaalada Kherson ee dhacda Koofurta Ukraine waxaa ka socda qorshe lagu ambabixinayo Boqolaal ruux oo da’ kala duwan ah, maamulka Ruushka taabacsan ee gacanta ku haya Magaaladaas ayaa welwel ka qaba in askarta Ukraine ay weeraraan.

Fariin uu Maamulka Magaalada Kherson uu soo dhigay Barta Telegram waxa uu shacabka ku wargeliyay in aysan ku go’doomin ama saameyn taban ku reebin duqeymo iyo weeraro ay qorsheeyeen Ciidanka Ukraine.

Ruushka ayaa Magaalada Khersan qabsaday maalmihii ugu horreeyay ee dagaalka uu ku qaaday Ukraine 24kii Febaraayo 2022, waxa uu deegaanka u sameeyay maamul la dhacsan qorshihiisa, Moscow ayaa dhumisay dhul baaxad weyn oo ay qabsatay Bilihii Febaraayo, Maarso & April 2022.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here