Ruushka Oo Dejiyay Qorshe Cusub Oo Ku Aaddan Dagaalka Ukraine

0
489

Ruushka Oo Dejiyay Qorshe Cusub Oo Ku Aaddan Dagaalka Ukraine

Ciidamada qalabka sida ee Ukraine ayaa soo saaray wararkii ugu dambeeyay ee duulaanka Ruushka. Waxa ay sheegeen in ciidamada Ruushka ay isku urursanayaan meel u dhow xuduudka bari ee Ukraine.

Shalay, barasaabka gobolka Luhansk ayaa sheegay in Ruushku uu hadda wado qorsha cusub oo dagaal oo la filayo inuu ka dhaco bariga Ukraine.

Fafaahin dheeraad ah ku saabsan dagaalka loogu jiro gacan ku haynta bariga Ukraine – oo ay ku dagaalamayaan agagaarka Donetsk iyo meelo kale ayaa lagu sheegay in ciidamada soo duulay ay dhawaan u dhaqaaqi doonaan sidii ay ula wareegi lahaayeen maamulka Mariupol.

Saraakiisha reer galbeedka ayaa sheegay in ay filayaan in Ruushku uu laba jibaaro ama xitaa ay suurtogal tahay in uu saddex jibaaro tirada ciidamadiisa ku sugan gobolka Donbas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here