Ruushka Iyo Isbaheysiga NATO OO Maanta Shir Uga Furmaya Caasimadda Brussels

0
453

Ruushka Iyo Isbaheysiga NATO OO Maanta Shir Uga Furmaya Caasimadda Brussels

Waxaa maanta oo Arbaco ah ka furmaya Caasimadda dalka Belgium ee Brussels, wada xaajoodyada u dhexeeya Ruushka iyo NATO, kaas oo ay kaga wada hadlayaan Colaadda Ukraine.

Ukraine ayaa horay ugu dhawaaqday inay diyaar u tahay inay qaadato go’aamo ay ku tilmaantay in ay lagama maarmaan u yahiin si loo soo afjaro xasaradda dagaalka, halka wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka ay sheegtay inay sugayso jawaabta Washington ee ku aaddan dammaanad qaadka ammaanka Ukraine.

Wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka ayaa dhankeeda sheegtay in xoghaye Anthony Blinken uu kala hadlay dhiggiisa Ukraine Dmytro Kuleba, sii socoshada militariga Ruushka ee ku wajahan xadka Ukraine.

Diblomaasiyadiinta ku hawlan qabanqaabada Wada hadalan u dhaxeeya NATO iyo Ruushka, ayaa sheegay in soo jeedinno badan oo ka yimid dalalka Yurub ay keentay in lagu dhiirado wada xaajoodkan u dhaxeeya NATO iyo Ruushka, si loo qaboojiyo xiisadda taagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here