Rooble Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Iyo Xaalad Cakiran Oo Ka Taagan Afisyooni

0
522

Rooble Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Iyo Xaalad Cakiran Oo Ka Taagan Afisyooni

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu magaalada Geneva uga qeyb galay shir looga hadlayay xaaladda abaaraha ba’an ee dalka ka jira.

Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa caalamka ugu baaqay in si deg deg ah loogu soo gurmado shacabka Soomaaliyeed ee abaarta la daalaa dhacaya.

Hay’adaha iyo dalalka deeqda bixiya ayaa shirka uga dhawaaqay dhaqaale badan oo lagu caawinayo dadka abaartu hayso ee dalaka Geeska Afrika iyo gaar ahaan Soomaaliya.

Soo laaabshada Rooble ayaa kusoo aadaysa iyadoo manta xaalad kacsanaan ah ay ka taagan tahay arrimaha doorashada Golaha shacabka oo manta loo ballansanaa in ay dhacdo,waxaana haatan Xarunta loo diyaariyay in lagu qabto Guddoonka doorashada Golaha Shacabka ay tahay mid aysan wax howl ah aysan ka socon.

Warbaahinta iyo hoolwadeenada Baarlamaanka ayaa saakay loo diiday in ay tagaan hoolka Teendhada Afisiyooni oo lagu qaban lahaa doorashada Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamanka 11 aad.

Sidoo kale warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in Rooble uu tagi doono Afisyooni, oo ah halka loo qorsheeyay doorashada Guddoonka Golaha shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here