Roobab Xooggan Oo Ka Da’ay Degaanno Ka Tirsan Maamulka Puntland

0
379

Roobab Xooggan Oo Ka Da’ay Degaanno Ka Tirsan Maamulka Puntland

Roobab xooggan ayaa xalay ka da’ay qaybo ka mid ah maamul Goboleedka Puntland, waxaana lasoo sheegayaa in ay jiraan dad ay saameyn ku yeesheen Roobabkaasi.

Magaalooyinka waa weyn iyo degaanno ayay Roobab Lixaad leh ka da’een Xalay,waxaana Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool iyo degaanno hoos yimaado laga soo sheegayaan in ay xalay ka da’ay roob xooggan, iyadoo Magaalooyin ka tirsan Gobolka Sanaag ay roobsadeen.

Degaanada sidoo kale ay roobabku ka da’een waxaa ka mid ah: Widhwidh, Dhumay, Saaxdheer, Balihadhac, Kalabaydh, Dharkayn-geenyo iyo dhulka miyiga ah ee ku teedsan.

Maamulka Puntland ayaa waxaa horay uga da’ay Roobab Khasaare dhaliyay, iyadoo Gobolka Bari ay dhawaan uu ka da’ay Roob Biriq iyo dabeylo watay ayna ku dhinteen dad shacab ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here