Raysal Wasaare Rooble Oo Xildhibaanada Gobolada Waqooyi Ka Dalbaday Inay Sameeystaan Kutlad Cusub

0
308

Raysal Wasaare Rooble Oo Xildhibaanada Gobolada Waqooyi Ka Dalbaday Inay Sameeystaan Kutlad Cusub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan casho sharaf la qaatay Xildhibaannada dhawaan la doortay ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ku matalaya Gobolada Woqooyi ee Somaliland.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Xildhibaanada labada Aqal ee Gobolada Waqooyi iyo Guddiga doorashada Somaliland uga mahadceliyay dadaalkii ay sameeyeen iyo sida ay u qabteen doorashada labada Aqal, kuna soo gaba-gabeeyeen waqtigii loo qorsheeyay kahor.

Wuxuu sheegay Rooble in Xildhibaanada Gobolada Waqooyi ee ku jira Baarlamaanka Federaalka ay yihiin kuwo lagu xisaabtamo oo muhiim ah, isla markaana waxaa uu ka dalbaday inay sameeystaan Kutlad ay ku mideysan yihiin Xildhibaanada, si aysan u kala qeybsamin.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa sidoo kale u mahadceliyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Guuleed Khadar iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu xusay inay kaalin weyn ka qaateen qabsoomada doorashada Xildhibaanada labada Aqal ee kasoo jeeda Somaliland.

Rooble ayaa shahaadooyin guddoonsiiyay xubnaha Guddiyada doorashooyinka  SEIT Somaliland, heer Federaal, Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Saraakiisha Amniga, kaas oo ay ku muteysteen howshii ka qabteen hirgelinta doorashada Xildhibaannada.

Dhawaan ayaa waxaa Magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay doorashada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland, waxaana la doortay dhammaan Senatorada iyo kuwa Golaha Shacabka, kuwaasi oo doorashadoodu ka qabsoontay Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here